(France) 25 Maajo 2019. Daafaca kooxda Paris Saint Germain ee Marquinhos ayaa si dadban u dhaleeceeyey saaxiibkiis reer France ee Kylian Mbappé, kaddib markii uu ka hadlayay mustaqbalkiisa.
Kylian Mbappé oo haatan da’adiisu tahay 20 jir ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France wuxuu ku sheegay:
“Waxaa laga yaabaa in la gaaray wakhtigii aan qaadi lahaa mas’uuliyad badan, waxaana suuragal ah inay noqoto PSG ama meel kale ee mashruuc cusub ah”.
Laakiin Marquinhos oo ka jawaab celiyay fariinta ka timid Kylian Mbappé ayaa wuxuu yiri:
“Si fiican uma fahmin waxa uu kala jeedo Kylian Mbappé hadalkiisa, waxaan u maleynayaa inuu la hadlay maamulka kooxda iyo macalinka, balse ma uusan la hadlin ciyaartoyda, waa inaan weydiinaa wuxuu kala jeedo macnaha erayada uu ka dhawaajiyay”.
Daafaca reer Brazil oo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu yiri:
“Mbappé waa xiddig aad u yar laakiin waa geesi, wuxuu mas’uul ka yahay hadaladiisa, laakiin kooxda ayaa wax walba ka muhiimsan, PSG waxay ka muhiimsan tahay wax walba, waxaa suuragal ah in ciyaartoyda ay baxaan, laakiin kooxda wey sii joogi doontaa”
“Waxaan doonayaa in Mbappé uu sii joogo kooxda, waxaan heysanaa ciyaaryahano muhiim ah, Kylian waa mid ka mid ah, waa ciyaaryahan ku wanaagsan qolka labiska iyo gudaha garoonka, waa weeraryahan wax go’aamin kara”.
Gool FM.