(France) 11 June 2019. Wargeyska “Dailymail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Paris Saint-Germain ay xaqiijisay sida ay ugu kalsoon tahay heshiiska ay ku dooneyso inay kala soo saxiixato Matthijs de Ligt kooxda reer Holand ee Ajax inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.
Matthijs de Ligt oo 19 jir ah ayaa xili ciyaareedka 2018-2019 bandhig cajiib ah ka sameeyay kooxdiisa Ajax iyo xulkiisa qaranka Netherlands, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddiga loogu doon doonista badan yahay suuqa kala iibsiga ee xaagaaga.
Magaca Matthijs de Ligt ayaa si weyn lala xiriirinayay ku biirista kooxda Barcleona, gaar ahaan maadaama uu doonayo inuu kaga garab ciyaaro safka Blaugrana saaxiibkiis Frenkie de Jong oo xagaagan ku biiray garoonka Cump Nou.
Laakiin waxay u muuqataa in wax waliba ay bedeleen, kaddib markii ay si xoogan qeyb kaga soo noqotay loolanka Paris Saint-Germain, waxayna haatan noqotay kooxda ugu dhow ee gacanta ku dhigi karta heshiiskan.
Wargeyska “Dailymail” ayaa wuxuu sodoo kale sheegay in maamulka PSG ay wada hadalo toos ah la galeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa Mino Raiola, isla markaana la filyo in ku dhawaaqista heshiiska uu yahay kaliya mid wakhti ka harsan.
Waxaa xusid mudan in heshiiska daafaca heerka caalami ee Matthijs de Ligt uu ku joogo kooxda Ajax uu dhacayo sanadka 2021.
Gool FM.