(Paris) 15 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha Netherlands ayaa guul muhiim ee 3-1 ah ka gaaray dhiggooda Cameroon kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.
kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka B ee koobka Adduunka Dumarka.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.
Daqiiqadii 41-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta xiddigta lagu magacaabo Vivianne Miedema ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda Netherlands, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0.
Laakiin Xulka qaranka Gabdhaha Cameroon ayaa helay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigtay Gabrielle Aboudi Onguene.
Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulalka gabdhaha Netherlands iyo Cameroon ayaa markale sameeyay bandhig cajiib ah, waxayna labada dhinacba isku dayeen inay abuuraan fursado si ay goolal u dhaliyaan.
48 daqiiqo gabadha lagu magacaabo Dominique Bloodworth ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda Netherlands waxayna ka dhigtay 2-1.
Markale Xulka qaranka Gabdhaha Netherlands ayaa hogaanka sii dheerstay kaddib markii ay Vivianne Miedema dhalisay goolka 3-aad, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-1.
Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 3-1 oo xulka gabdhaha Netherlands ay kaga adkaadeen dhiggooda Cameroon kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.
Gool FM.