(Ajax) 15 Juunyo 2019. Hooyada dhashay iyo waliba saxiibtiis difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa la soo warinayaa inay guri ka raadinayaan Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska isbuucaan.
De Ligt ayaa la filayaa inuu ka tagi doono kooxda reer Holland isbuucyada inagu soo aaddan, waxaana aad u xiiseynayo tiro ka mid ah kooxaha waa weyn ee ka dhisan qaaradda Yurub.
Barcelona ayaa muddo dheer la la xiriirinayey saxiixa 19-sano jirkaan, inkastoo kooxda Paris Saint-Germain ay haatan soo gashay tartanka loogu jiro xiddiga xulka qaranka Netherlands.
Sida ay warinayso Jariiradda De Telegraaf, waxa ay u muuqataa oo ay u badan tahay in De Ligt uu u dhaqaaqi doono garoonka Parc des Princes kaddib markii ciyaaryahanka hooyadiis iyo saaxiibtiis ay u safreen caasimadda Faransiiska.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in labadaan qofood ay qiimeyn ku sameynayaan guryaha ku yaala Magaalada Paris haddii uu da’yarkan go’aansado inuu qallinka ku duugo heshiiska wakhtiga dheer ee uu ugu biirayo kooxda haysata horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay aqbali doonto in De Ligt uusan u dhaqaaqi doonin garoonka Camp Nou.
Gool FM.