Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

De Bruyne oo hogaaminaya liiska 10-ka xiddig ee ugu gool caawinta badan shanta horyaal ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan 2019/2020

$
0
0

(Yurub) 28 Okt 2019. Xiddiga kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu gool caawinta badan shanta horyaal ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan 2019/2020, wuxuuna farqi weyn kaga sarreeyaa xiddiga ku soo xiga.

De Bruyne ayaa awooday inuu caawiyo ilaa iyo haatan 9 gool, 10 kulan kaliya uu xilli ciyaareedkan ka ciyaaray horyaalka Premier League, taasoo ka dhigan in ku dhawaad kulankiiba uu gool caawiyay, waana rikoodh aad u wanaagsan uu sameeyay ciyaaryahan, iyadoo laga war qabo in xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu caawiyay kaliya 2 gool.

Xiddiga reer Algeria ee Islam Slimani ayaa kaalinta labaad kaga jira liiska xiddigaha ugu gool caawinta badan shanta horyaal ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan, waxaana ku wehliya kubad sameeyaha kooxda reer France ee Brestois Yoann Court, waxayna labadan xiddig mid kasta oo ka mid ah 6 gool xilli ciyaareedkan.

Yeelkeed, Liiska 10-ka xiddig ee ugu gool caawinta badan shanta horyaal ugu waa weyn Yurub ee xilli ciyaareedkan ayaan ku soo bixin xitaa hal xiddig ee ka ciyaara horyaalka La Liga ee dalka Spain, sababa la xiriira hoos u dhac ku yimid heerarka kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid, iyo sidoo kale in Lionel Messi uu dhaawac ku maqnaa kulamadii ugu horreeyay, maadaama uu xilli kasta qeyb ka ahaan jiray liisyadan oo kale.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo magacyada liiska xiddigaha ugu gool caawinta badan shanta horyaal ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan 2019/2020:

Kevin De Bruyne (Manchester City): 9 gool caawin.

Islam Slimani (Monaco): 6 gool caawin

Yoann Court (Brest): 6 gool caawin

Alejandro Darío Gómez (Atlanta): 5 gool caawin

Alfred Duncan (Sassuolo): 5 gool caawin

Dejan Kulusevski (Parma): 5 gool caawin

Jadon Sancho (Borussia Dortmund): 5 gool caawin

Thorgan Hazard (Borussia Dortmund): 5 gool caawin

Luis Alberto (Lazio): 5 gool caawin

Alassane Pléa (Borussia Moenchengladbach): 5 gool caawin.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles