(London) 01 Sabtembar 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ee Waddanka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday soona bandhigtay David Luiz oo ay dib uga soo ceshadeen naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.
Waxa uu qalinka ugu duugay heshiis saddex sanadood ah Blues, kaddib markii ay heshiis 32 milyan oo gini ah dib ugu soo laabtay garoonka Stamford Bridge.
Chelsea iyo PSG ayaa ku heshiiyey in adduun dhan 32 milyan oo gini uu daafacan dib ugu laabto magaalada London, waxaana lacagtaas ay 18 milyan oo gini ka yar tahay lacagtii ay Blues markii ka hore ka siisay David Luiz kooxda PSG.
Su’aal kama taagna in kooxda tababare Antonio Conte ay shax adag haysato xilli ciyaareedkan, iyagoo maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ay la soo wareegay labada daafac ee Marcos Alonso oo boosas badan oo daafaca ka ciyaari kara iyo David Luiz oo daafaca dhexe ah.
MUUQAALKA:
A message for Chelsea fans from @DavidLuiz_4! pic.twitter.com/Hhsx6AQTaq
— Chelsea FC (@ChelseaFC) August 31, 2016
SAWIRRO:
Gool FM.