Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Guddoomiyaha Xiriirka Faransiiska oo sheegay in Deschamps uu leeyahay go’aanka Benzema dib loogu soo celinayo xulka

$
0
0

CrgoPSzW8AA_QnK

(Paris), 04 September  2016     –Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiga keliya ee Weeraryahanka Real Madrid, Karim Benzema dib ugu soo celin kara xulka Qaranka Faransiiska uu yahay tababare Didier Deschamps.

La Graet oo la hadlayay ‘L’Equipe’ ayaa sheegay in Benzema aysan ahayn in inta ka hartay waayihiisa ciyaareed uu ka maqnaado xulka, isagoo horey u seegay ciyaarihii Koobka Qarammada Yurub ee Bilihii June iyo July lagu qabtay dalkiisa faransiiska.

Benzema ayaa la joojiyay ciyaaraha bishii December 2015, kaddib markii isaga iyo laacibka kale ee Faransiiska Mathieu Valbuena lagu soo eedeeyay muuqaal anshax darro ah oo ay gabar ku sameeyeen.

“Mar walba waan ka soo hor jeedaa ciqaabta dheer, waana xilligii uu soo noqon lahaa, waayo horey ayuu uga maqnaa Euro 2016, marka go’aanka kama dambeysta ah laga gaaro kiiskooda maxkamadeedna waxaa keliya xulka ku soo celin kara Deschamps” ayuu yiri Guddoomiyaha FFF.

Benzema oo 28 jir ah ayaa weli u safan kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan, isagoo dhaawac kaga maqan, waxaana xidiggani uu yahay laacibka sideedaad ee ugu goolasha badan Qaranka Faransiiska, isagoo 81 kulan oo uu u dheelay u dhaliyay 27 gool.

Dhinaca kale Tababaraha Faransiiska Didier Deschamps ayaa isagu wareysi uu kal hore bixiyay ku sheegay in xilligani ayan ku haboonayn inuu xulka ku soo celiyo Benzema.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles