(Paris) 20 Dis 2019. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sheegay in saaxiibkiisii hore ee xulkii ku guuleystay Koobkii Adduunka 1998 ee Zinedine Zidane uu yahay musharaxa ugu xoogan ee kala wareegi doono shaqada tababarka ee xulka.
Didier Deschamps ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Le Monde” ee dalka Faransiiska wuxuu ku sheegay:
“Tababaraha xiga ee xulka qaranku wuxuu noqon karaa Zidane”.
Deschamps ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub uu ku sii leylin doono xulka qaranka France ilaa iyo 31-ka December 2022, taasoo siin doonta fursad uu ku difaacdo koobkii adduunka ay ku qaadeen wadanka Russia sanadkii 2018.
Intaas kaddib Didier Deschamps ayaa wax laga weydiiyay suurtogalnimada uu Karim Benzema markale dib ugu soo laaban karo safka xulka qaranka Faransiiska wuxuuna ku jawaab celiyay:
“Waxba kama dhihi karo isaga, xukunka maxkamada aniga ima quseyo, kani maahan war aaniga i quseeya, marka aan go’aan gaarayo wuxuu kaliya ujeedkeygu noqonayaa maslaxada guud ee xulka France”.
Gool FM.