(Paris) 07 Sebt 2016 Tababaraha kooxda PSG Unai Emery ayaa beeniyay warar lagaliyay suuqa oo ku aadan in laacibka reer France ee Blaise Matuidi uusan ku faraxsanayn kooxdiisa.
Blaise Matuidi ayaa ku sigtay inuu katago PSG suuqii xaggaaga markaas oo dalab xoog leh uu ka helay kooxda reer talyaani ee Juventus.
Emery oo la hadlay idaacada RMC ee dalka faransiiska ayaa yiri:
“Matuidi xili dambe ayuu bilaabay isudiyaarinta xiliciyaareedka cusub waayo wuxuu ahaa laacibkii ugu danbeeyay ee ka soo laabta fasaxa”.
“Waxaan haysanaa ciyaartoy badan, laakiin tartanka badan waa mid sii wanaajinaya kooxda, inta uu socdo xiliciyaareedka ciyaartoy badan ayaa dhaawacmaya kulamada oo badan owgood”.
“Aad ayeey muhiim noogu ahayd in Blaise Matuidi uu nala sii joogo, 3 jeer ayaan u sheegay in isagu uu xor u yahay haddii uu la sii joogayo kooxda, jawaabta uu bixiyay ayaa noqotay inuu ku faraxsanyahay halkaan”.
Gool FM