Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Kylian Mbappe waa kan hadda iyo mustaqbalka” – Cristiano Ronaldo

(Turino) 20 Feb 2019. Xiddiga reer Portugal iyo kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Kylian Mbappé uu yahay kan kan hadda iyo mustaqbalka kubadda cagta.

Kylian Mbappé oo 21 jir ah ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, kaddib qaab ciyaareedkiisii ​​cajiibka ahaa uu ka sameeyay kooxda PSG tan iyo markii uu ku soo biiray xagaagii 2017.

Waxaa ku filan in la sheego ciyaaryahan 21 jir ah inuu la qaaday xulkiisa qaranka France koobkii ugu dambeeyay ee adduunka 2018, intaas waxaa u sii dheer in kooxdiisa PSG uu kula guuleystay saddex jeer horyaalka Faransiiska ah.

Kylian Mbappé ayaa ah bar-tilmaameedka koowaad ee kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan, sidoo kale waxaa jira war sheegaya in kooxda Juventus ay dooneyso, si ay u mideyso isaga iyo Cristiano Ronaldo.

Haddaba wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image may be NSFW.
Clik here to view.

“Kylian Mbappé waa kan hadda iyo mustaqbalka”.

“Kylian Mbappé waa ciyaaryahan fiican, dhaqso badan, wuxuuna noqon doonaa mustaqbalka kubadda cagta”.

Waxaa xusid mudan in Kylian Mbappé uu ka qeybqaatay kooxdiisa Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkan ilaa iyo haatan 29 kulan, wuxuu dhaliyay 24 gool, halka 16 gool kale uu ka caawiyay saaxiibadiis.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles