(Turin) 22 Feb 2020. Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqi doonto daafaca dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Presnel Kimpembe xagaagan.
Kooxda haysata horyaalnimada Talyaaniga ayaa Matthijs de Ligt kala soo saxiixatay Ajax ka hor xilli ciyaareedka 2019-20, laakiin waxaa la rumeysan yahay inay isha ku hayaan inay daafac kale oo dhexe keenaan kooxda suuqa kala iibsiga soo socda.
Sida laga soo xigtay majaladda ‘Le10sport’ Juve ayaa xiisayneysa Kimpembe, waxayna ku darsatay liiska xiddigaha ay dooneyso 24 sano jirkaan, kaasoo boos joogta ah ka haysan kooxda uu maamule Thomas Tuchel, taasoo ku qasbi karta inuu iskaga hayaamo kooxdan reer France.
Xiddiga reer France ayaa 21 kulan u saftay kooxdiisa PSG inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan, wuxuuna xirnaa calaamadda kabtanka saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ka ciyaarto horyaalka Ligue 1.
Kimpembe ayaa sidoo kale qandaraaskiisa waxa uu dhici doona bisha June sanadka 2023, laakiin daafacan ayaa laga yaabaa inuu raadsado tartan cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Giorgio Chiellini ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac muddo dheer uu garoomada kaga maqnaa, si uu u xoojiyo xulashada Juve ee daafaca, inkastoo Leonardo Bonucci uu ganaax ku seegi doono kulanka adag ee ay maanta la ciyaari doonaan kooxda SPAL.
Gool FM.