Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Koox cusub oo ku soo biirtay loollanka Pogba… (Iska ilow Real Madrid iyo Juventus)

$
0
0

(Yurub) 23 Feb 2020. Waxanan ilaa iyo iminka saldhigan mustaqbalka garoonka Old Trafford ee Paul Pogba iyadoo la rajeynayo in suuqa xagaaga uu ka tago kooxdiisa.

Kooxda ka dhisan caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa ku soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa qadka dhexe Manchester United ee Paul Pogba.

Kooxaha kala ah Real Madrid iyo Juventus ayaa in muddo ah ku tartamayay in ay soo qaataan xiddiga ku guuleystay koobkii adduunka sanadii 2018.

Wargeyska “Le10 Sport” ayaa ku waramaya in kooxda PSG ay ku soo biirtay loolanka loogu jiro adeega Paul Pogba inkastoo ay adag tahay in saxiixiisa ay ku garaacan kooxdiisii hore ee Juventus.

Paul Pogba ayaa Man United u safan islmarkaana dhaawac ku maqnaa tan iyo Boxing day-gii taas oo loo arko in uu soo dhamaanayo waayhiisa ciyaared ee kooxda Red Devils.

Sidoo kale kooxaha kale ee loolanka qeybt ka ah waxaa ku jirta kooxda horyaalka horyaalka Spain ee Real Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles