Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Edinson Cavani oo noqday xiddigii ugu horreeyey ee PSG u dhaliya 200 oo gool & Kooxda oo abaal-marin siisay… + SAWIRRO

$
0
0

(Paris) 24 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa abaal-marin siisay weeraryahankeeda Edinson Cavani kaddib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee 200 oo gool u dhaliya.

Paris Saint-Germain ayaa abaal-marin gaar ah u gacan galisay Cavani oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ebid ee 200 oo gool u dhaliya kooxda.

Weeraryahan Cavani ayaa gool ka dhaliyey kulankii xalay kooxdiisa Paris Saint-Germain ay 4-3 uga adkaatay Bordeaux, kaasoo ahaa goolkiisii 200-aad ee uu u dhaliyo naadiga PSG.

Edinson Cavani ayaa kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1 ee PSG u dhaliyey 200 oo gool 298 kulan oo uu u saftay, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee goolal intaas la eg u dhaliya.

200 gool ee uu dhaliyey Cavani ayaa waxa ay kala yihiin; 138 gool oo uu ka dhaliyey horyaalka Ligue 1, 30 gool oo uu ka ansixiyey tartanka Champions League iyo 32 gool oo uu ka dhaliyey koobabka maxaliga ah ee Domestic Cups.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles