(England) 25 Feb 2020. Sida laga soo xiganaayo warar ka soo baxaya gudaha Talyaaniga Kooxaha kala Manchester United iyo Arsenal ayaa waxa ay ku tartamayaan saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee France Blaise Matuidi,
Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in kooxdiisa uu si weyn u dhiso xilli ciyaaredkan soo adan, xilli ay bartilmaamedsanayan Matuidi.
Laakiin sida ay ku warrameyso “CalcioMercato” United kali kuma ahan dooneysta xiddigan waxaana ku wehlineysa kooxda waqooyiga London ee Arsenal.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
32 sano jirkan caalamiga ah ee qaranka France ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fir fircoon ee Juventus.
Sidoo kale kooxaha doonaya waxaa ka mid ah naadiga horyaalka France ee Olympique Lyonnais.
Heshiiskisa kooxda magaalada Turin ayaa uu dhici doona bisha Juune ee sanadkan aan ku guda jirno ee 2020, iyadoo Juve ay 1 sano oo qadraas cusub in ay ka saxiixato ay u firan tahay.
Old Lady ayaa Matuidi kala soo wareegtay kooxda Paris Saint-Germain sanadkii 2017 adduun lacageed dhan £27.8million.
Gool FM.