(Yurub) 12 Mar 2020. Kulamo ka tirsan tartanka xiisaha leh ee UEFA Europa League gaar ahaan lugta hore ee 16-ka ayaa caawa la ciyaarayaa, iyadoo kulamo waa weyn oo la dheeli lahaa tartankan caawa dib loo dhigay.
Manchester United ayaa caawa la ciyaari doona LASK kulan ka tirsan tartanka Europa League waana marti, laakiin waxaa xusid mudan in sababo la xiriira caabuqa Caronavirus dib loogu dhigay kulammadii dhex mari lahaa kooxaha Sevilla v Roma iyo Inter v Getafe.
Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada lugta hore ee 16-ka Europa League oo caawa la ciyaari doono, saacadaha ay soo geli doonaan iyo kuwa dib loo dhigay.
EUROPA LEAGUE:-
8:55 habeennimo Eintracht Frankfurt vs Basel
8:55 habeennimo Istanbul Basaksehir vs FC Koebenhavn
8:55 habeennimo LASK vs Manchester United
Dib loo dhigay: Sevilla vs Roma
Dib loo dhigay: Inter vs Getafe
11:00 Habeennimo Olympiacos vs Wolverhampton Wanderers
11:00 Habeennimo Rangers vs Bayer Leverkusen
11:00 Habeennimo Wolfsburg vs Shakhtar Donetsk
Gool FM.