(Paris) 12 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa iska xaadirisay siddeed dhammaadka Champions League kaddib markii ay soo laabasho ku horsameysay naadiga reer Jarmal ee Dortmund.
PSG ayaa gaartay wareegga siddeed dhammaadka UEFA Champions League muddo lix jeer ah, waxaana ay sidaas rikoor ugu dhigtay kooxaha Faransiiska.
Naadiga PSG ayaa gaartay siddeed dhammaadka Champions League markeedii lixaad waxaana ay kala yihiin xilli ciyaareedyadii: (1994/95, 2012/13, 2013/14, 2014/15, 2015/16 iyo 2019/20), waana in ka badan koox kasta oo kale oo ka socota horyaalka Ligue 1.
Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska waxa ay xalay gaartay siddeed dhammaadka Champions League, markii ugu horreysa tan iyo sanadkii 2015-kii, kaddib markii ay garaaceen Dortmund.
Sanadkii 2015-kii, PSG ayaa barbaro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay Chelsea, waxaana ay sidoo kale barbaro 2-2 kula gareen lugtii labaad garoonka Stamford Bridge, taasoo ka dhigtay inay goolasha away-ga ah kaga bateen Blues, Parisians ayaana iska xaadirisay siddeed dhammaadka laakiin waxaa reebtay Barcelona.
Gool FM.