Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waa immisa lacagaha ay khasaarayaan kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub iyo Shanta horyaal ee ugu wayn

$
0
0

(Yurub) 23 Abril 2020. Cudurka dunida ku faafay ee coronavirus ayaa dhulka la galay dhaqaalaha dalal badan iyo ganacsiyo badan, waxaana marka ciyaaraha laga hadlo uu sababay in la joojiyo dhacdooyin waaweyn, iyadoo horyaallada Yurub ay la kulmeen qasaaraha ugu baaxadda wayn.

Tartanka Champions League ayaa la xannibay, si la mid ah tartanka Europa League, illaa iyo qiyaastoo 40 kulan ayaa ka harsanaa xilli ciyaareedkan labada tartan ee Yurub ugu waaweyn.

Euro 2020 ayaa xagaaga 2021 loo jadwaleeyay, taasoo iyadana ah dib u dhac kale.

Sidaas darteed, xog aruurin ay sameysay shabakadda Learnbonds, ayay ku sheegtay in tartamada la hakiyay ay kooxaha Yurub ka dhaleen qasaare lacageed oo gaaraya 4.1 bilyan oo euro.

Horyaalka Premier League kooxaha ka ciyaara ayaa qasaari doona qiyaastii 1.28 bilyan oo euro, waxaana sheekada lagu xusay in lacag ka badan 800 milyan oo euro oo ka mid qasaaraha kooxaha Ingiriiska ay kala kulmi doonaan xuquuqda warbaahinta, iyadoo BT Sport iyo Sky Sports ay baahiyaan ciyaaraha ugu badan ee Ingiriiska.

Qasaaro lacageed oo gaaraya 300 milyan oo euro ayaa la rajeynayaa inay ka soo gaarto ganancsiga ay ka sameyaan iibinta maaliyadaha iyo waxyaaba la midka ah, halka 180 milyan oo euro ay ku qasaari lacagta ka soo xaroota kulammada ay ciyaaraan.

Horyaalka La Liga ayaa isna dhabarka u ridan doono qasaaro maaliyadeed oo xoog badan, maadaama uu ka mid yahay waddamada uu sida daran ugu raftay faafaha coronavirus, waxaana wadar ahaan la rajeynayaa inay qasaaraan 970 milyan oo euro.

Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa qasaaro 790 milyan oo euro dhexda ka istaagi doono, halka Serie A-da dalka Talyaaniga ay wajahaayn qasaaro 700 milyan oo euro ah, waxaana Ligue 1-ka France uu qasaarayaa 400 milyan oo euro.

Marka laga hadlo qiimaha ciyaartoyda ay fadhiyaan, waxay si gaar ah u saameyneysaa kooxaha ugu ciyaartoyda wanaagsan qaaradda Yurub sida Manchester City oo afka la galeysa qasaaro 412 milyan oo euro ah, taasoo ka timid qiimaha ciyaartoyda.

Waxaa sidoo kale warbixintan ay taabatay kooxda Barcelona -oo ku soo xigta Man City- taasoo qasaaraheeda qiimaha ciyaartoyda noqon doono 366 milyan oo euro.

Liverpool(353 milyan oo euro), Real Madrid(350 milyan oo euro) iyo PSG (302 milyan oo euro) ayaa ku jira kooxaha ugu badan ee ay ka lumayaan lacagta ugu badan ee qiimaynta ciyaartoyda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles