(Yurub) 23 Abril 2020. Halyeyga reer France ee Christophe Dugarry ayaa kula taliyay tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, arrinta ku saabsan saxiixa Paul Pogba inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga ee soo aadan.
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Paul Pogba si ay ugu xoojisato safkeeda xilli ciyaareedka soo socda.
Christophe Dugarry ayaa aamisan in Pogba uu yahay xidig ku haboon in lagu buuxiyo safka kooxda Real Madrid, sida uu wariyay Raadiyo “Monte Carlo” ee dalka Spain.
Haddaba laacibkii hore kooxda Barcelona ee Christophe Dugarry ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu shaaca kaga qaaday:
“Paul Pogba waa ciyaaryahan ku fiican Real Madrid, dhamaanteen waan aragnaa cel-celis ahaan da’ada xiddigaha qadka dhexe ee kooxda Real Madrid inay sarre u kacday, taasna xoogaa waa dhibaato”.
“Pogba wuxuu leeyahay awooda ka dhigeysa inuu xoojiyo qadka dhexe ee kooxda Real Madrid, aniga ahaan waxaan u arkaa inuu yahay mid daaweyn kara dhibaatooyin dhowr ah ee heysata Los Blancos”.
“Sanad adag ayay u ahayd Pogba sababa la xidhiidha dhaawacyada, kooxduna si wanaagsan uma shaqeyso, laakiin mar walba uu ciyaaro wuxuu gaaraa heerkiisa”.
“Si fiican ayaan u aqaanaa Zidane, haddii uu runti jecel yahay Pogba, majirto sabab dib loogu dhigo heshiiska sanad kale”.
Gool FM.