(Madrid) 21 Maajo 2020. Kooxda Real Madrid ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto wiilka dahabiga ah ee naadiga Paris Saint-Germain inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.
Shabakada “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in kooxda Real Madrid ay noqotay meesha ugu macquulsan uu tagi karo da’ayarka naadiga PSG ee Tanguy Kouassi, waqtiyada soo socda.
Real Madrid ayaa dooneysa in Tanguy Kouassi ay ka soo qaadato kooxda Paris Saint-Germain, laacibkan ayaana qarka u saaran inuu ka tago naadiga reer France ee PSG, kaddib marka uu dhaco qandaraaskiisa bisha June ee soo socota.
Real ayaa rajeyneysa inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka si uu ugu biiro garoonka Santiago Bernabéu, waqtiyada soo socda.
Tanguy Kouassi ayaa ka soo muuqday kooxda koowaad ee Paris Saint-Germain 11 kulan oo xilli ciyaareedkan ah, inkastoo uu da’ayar yahay, isla markaana uu jiro 17 sano.
Laacibka ayaa xor u noqon doona inuu la saxiixdo koox kasta ee xiiseeneysa adiigiisa xagaaga soo socda, wuxuuna sidoo kale dalabyo ka helaya kooxaha AC Milan iyo RB Leipzig muddooyinkii lasoo dhaafay.
Gool FM.