(Yurub) 22 Maajo 2020. Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laacibka reer Gabon iyo kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang uu dalab kaga yimid naadiga Paris Saint-Germain.
Pierre-Emerick Aubameyang oo 30 jir ah ayaa ku biiray kooxda Arsenal inta lagu gudi jiray suuqii kala iibsiga jiilaalka ee 2018, wuxuuna kaga soo biiray naadiga Borussia Dortmund qiimo dhan 64 million euros.
Aubameyang ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Arsenal suuqa kala iibisga xagaaga ee soo socda, kaddib markii uu diiday inuu qandaraaska u kodhiyo, maadaama heshiiska uu haatan ku joogo Gunners uu dhacayo xagaaga 2021.
Wargeyska “Daily Mirror” ayaa wuxuu warbixintiisan uu daabacay ku sheegay in maamulka kooxda Paris Saint-Germain ay si xoogan u xiiseynayaan la saxiixashada Pierre-Emerick Aubameyang, si uu badel ugu noqdo Edinson Cavani, oo lala xiriirinayo inuu ka tago PSG, kaddib marka uu qandaraaskiisa dhaco dhamaadka bisha soo socota ee June.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Paris Saint-Germain ay u soo bandhigtay Arsenal lacag lagu qiyaasay 35 million pounds, si ay kaga hesho saxiixa weeraryahanka reer Gabon suuqa kala iibisga xagaaga ee soo socda.
Waxaa xusid mudan in Pierre-Emerick Aubameyang uu kala qeyb qaatay kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedkan 32 kulan, wuxuu dhaliyay 20 gool, wuxuuna caawiyay kuwo kale.
Gool FM.