(Yurub) 25 Maajo 2020. Sida la soo warinayo mid ka mid ah xiddigihii xulka qaranka Faransiiska ee qaaday Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay dalka Ruushka ayaa iibiyey abaal-marintii la siiyey.
Xiddigan oo aan la shaacin magaciisa ayaa abaal-marintiisii qoorta loo suray koobkii Adduunka 2018 waxa uu soo dhigay dukaanka iibka dhinaca Online-ka ee lagu iibiyo waxyaabaha qaaliga ah ee ay leeyihiin dadka caanka ah, kaasoo lagu magacaabo JuliensLive.com.
Waxa ay arrintaan layaabka leh timid labo sanadood kaddib markii xiddigaha uu hoggaaminayey macallin Didier Deschamps ee 23-ka ahaa ay koobka ku guuleysteen ayaa waxa hadda hadal-haynta ugu badan tahay ciyaaryahanka uu noqon karayo midka abaal-marintiisa iibiyey.
Waxaa sidoo kale la sheegay in abaal-marintan lagu iibsaday lacag dhan $71,875, (Kow iyo todobaatan kun, siddeed boqol todobaatan iyo shan doolar), iyadoo illaa iyo hadda aan la shaaciyey magaca ciyaaryahanka iska leh.
Inkastoo sawirka abaal-marinta lagu baahiyey baraha bulshada haddana sababta loo garan waayey ayaa waxa ay tahay in uusan magac ku qornayn.
“Waa abaal-marintii la siiyey mid ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Faransiiska ee 2018 FIFA Wold Cup, Koobka Adduunku wuxuu ka dhacay Ruushka laga bilaabo June illaa July 15, 2018.” ayuu u dhignaa qoraal kooban oo abaal-marintan lagu soo geliyey dukaanka iibka Online-ka.
“Waxay ahayd markii 11-aad ee Koobka Adduunka lagu qabto qaaradda Yurub iyo markii ugu horreysay ee lagu qabto bariga Yurub.”
“Biladda ayaa leh sawirka ciyaartoy ku guuleystay Koobka Adduunka oo gacmihiisa u kala bixinaya guushii Koobka iyo qoraal ah ‘2018 FIFA World Cup Russia”
Toban qof ayaa abaal-marintan markiiba dalbaday oo lacago duldhigay, waxaana lacagta la duldhigay ay ka bilaabtay 59,000 oo gini, inkastoo ugu dambeyntii uu iibkeeda ku guuleysatay shaqsi aan isagana la sheegin oo bixiyey $71,875.
Gool FM.