Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda Paris Saint-Germain oo go’aamisay heshiiska Mauro Icardi

$
0
0

(Paris) 27 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa kala hadashay Inter Milan, heshiiska ay Mauro Icardi si toos ah kula saxiixaneyso.

Mauro Icardi ayaa horaantii xagaagan ugu soo dhaqaaqay kooxda Paris Saint-Germain heshiis amaah oo hal xilli ciyaareed ah, wuxuuna kaga soo biiray Inter Milan, iyadoo heshiiska uu qeyb ka ahaa in si toos ah ay ugu iibsan karto 70 million euros.

Wararka ka imaanaya dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa waxay xaqiijiyeen in Mauro Icardi uu ogolaaday inuu si joogta ah ugu biiro kooxda Paris Saint-Germain qiimo dhan 60 million euros oo ay ku jiraan lacagaha gunooyinka.

Shabakada “Sky Italia” iyo wargeyska “Le Parisien”, ayaa sheegay in kooxda Paris Saint-Germain ay horumar weyn ka sameysay wadahadalada heshiiska Mauro Icardi 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qiimaha heshiiska oo dhan uu noqon doono 60 million euros, kaddib markii ay PSG kala xaajootay Inter Milan hoos u dhigista qiimaha ay ku iibsaneyso Mauro Icardi.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles