Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda Arsenal oo Napoli kula dagaallamaysa saxiixa xiddig ka tirsan Lille

$
0
0

(Yurub) 28 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay weli naadiga Napoli kula dagaalamysa saxiixa daafaca Lille ee Magalhaes.

Napoli waa ay dhankeeda sii waddaa tartanka ay ku wajahayso Arsenal oo ay ku rabto inay kaga adkaato saxiixa daafaca Lille ee Gabriel Magalhaes, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Faransiiska.

The Partenopei kooxda lagu naanayso ayaa la soo ifbaxday maalmihii la soo dhaafay inay sida ugu cadcad ugu jirto tartanka loogu jiro daafacan dhexe ee reer Brazil, kaasoo 22-sano jir ah.

Si kastaba ha noqotee, Warsidaha Le10sport ayaa warinaya in Arsenal ay wali ku jirto socodsiinta iyo isha ku heynta xaaladda xiddigan.

Qiimaha lagu weydiisanayo Gabriel waa 30 milyan oo euro, halka Napoli ay u arki laheyd inuu yahay dhaxal ku habboon Kalidou Koulibaly.

Waxa uu ku biiray Lille bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, inkastoo uu amaah ku qaatay Kooxaha Troyes iyo Dinamo Zagreb.

Gabriel ayaa u saftay kooxda Lille 34 kulan xilli ciyaareedkan, isagoo u dhaliyay hal gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles