Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kylian Mbappé oo si weyn u ammaanay kooxda Liverpool iyo Tababare Jürgen Klopp

$
0
0

(Paris) 28 Maajo 2020. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa sheegay in Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo inuu ku dayan jiray tan iyo markii uu yaraa.

Kylian Mbappé ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane waa awoodeyda, waxay taariikh kaga tageen kubadda cagta, waana waxaan doonayo inaan gaaro”.

Kylian Mbappé oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si weyn u amaanay kooxda Liverpool uu hoggaaminayo tababare Jürgen Klopp, wuxuuna yiri:

Liverpool boss Jurgen Klopp says there is 'absolutely no chance ...

“Aad ayaan ugu qanacsanahay waxa ay kooxda Liverpool soo bandhigtay, waxaana mahad celintaas leh Jürgen Klopp”.

“Waa wax naadir ah xilli ciyaareedkan, Liverpool waxay aheyd aalada horyaalka Premier League”.

“Waxay guusha ka dhigeen mid fudud, laakiin runtu waxay tahay inaysan marna fududeen”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles