(Barcelona) 29 Maajo 2020. Madaxweynihii hore kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sandro Rosell ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay laacibka kaliya ee ka sareeya Neymar Jr.
Dhinaca kale Sandro Rosell ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inuu la soo saxiixan doono xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, haddii ay dhacdo inuu markale la wareego mas’uuliyada madaxtinimo ee kooxda Barcelona.
Neymar Jr, oo 28 jir ah, ayaa ka tagay Barcelona xagaagii 2017, si uu ugu biiro kooxda Paris Saint-Germain, wuxuuna ku dhaqaaqay qiimo dhan 222 million euros.
Magaca Neymar Jr ayaa lala xiriirinayay xagaagii hore iyo ilaa haatan inuu markale ku laaban doono kooxda Barcelona, wuxuuna isku dayayaa inuu ku qanciyo maamulka PSG inay u ogolaadaan inuu baxo.
Haddaba Sandro Rosell oo la hadlayay “Radio Marca” ayaa wuxuu yiri:
“Waxaan isku dayi lahaa inaan mar kale la soo saxiixdo Neymar Jr, haddii aan ahaan lahaa madaxweynaha haatan ee kooxda Barcelona”.
“Waa ciyaaryahanka labaad ee ugu wanaagsan adduunka kaddib Lionel Messi, wuuna ku habboon yahay falsafadda kooxda”.
Waxaa xusid mudan in qandaraaska Neymar Jr uu ku joogayo kooxda Paris Saint-Germain inuu dhacayo xagaaga 2022.
Gool FM.