Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mbappé oo si xiiso leh kaga hadlay suurtagalnimada uu ugu guuleysan karo abaal-marinta Ballon d’Or

$
0
0

(Paris) 30 Maajo 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa si xiiso leh kaga hadlay suurtagalnimada uu ugu guuleysan karo abaal-marinta Ballon d’Or, kaddib markii uu liiska tartamayaasha abaal-marintan kaga dhameystay kaalinta afaraad sanadkii hore.

Haddaba Kylian Mbappé ayaa wareysi uu bixiyay dhawaan wuxuu kaga hadlay suurtogalnimada uu ugu guuleysan karo abaal-marinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri:

“Way fiicnaan laheyd in lagu guuleysto, laakiin maahan wax iga dhigaya in habeenkii aan ka tooso hurdada”.

“Uma maleynayo inaan ku guuleysan doono sanadka soo socda ama kan ku xiga, ma jiro waqti cayiman oo aan ku guuleysto”.

“Waxaan marwalba gelin doonaa kooxdeyda iyo wadankeyga meesha ugu horeysa, markaas kaddib haddii aan ku guuleysto abaal-marinta shaqsiga ah, waxay noqon doontaa wax dheeri ah”.

“Hamigeyga xiga waa inaan bandhig fiican ka sameeyo xulkeyga qaranka ee France sanadka soo socda koobka qaramada yurub…Hamigeyga ugu weynna waa inaan ku guuleysto Champions League… Waxaan doonayaa in horyaalka Ligue 1 aan kula guuleysto kooxda Paris Saint-Germain, inaan kula guuleysto Champions League markii ugu horeysay taariikhda kooxda waxa ay noqon doontaa wax aad u khaas ah”.

Intaas kaddib Kylian Mbappé ayaa wuxuu ka hadlay xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta wuxuuna yiri:

“Bilowgii wuxuu ahaa Zidane, kaddib wax walba uu kula guuleystay xulka qaranka France, kaddib Cristiano Ronaldo oo guulo badan gaaray, haddana wuxuu wali sii wadaa inuu guuleysto, kaddib guulahan oo dhan uu gaaray, waxay sumcadooda kaga tageen Taariikhda kubada cagta”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles