Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

BAL EEG: Shax laga sameeyay 11-ka ciyaartoy ee ugu caansan uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus

$
0
0

(Yurub) 30 Maajo 2020. Caabuqa Coronavirus ayaa si weyn u dhibaateeyay adduunka oo dhan, gaar ahaan kubadda cagta, wuxuuna haleelay malaayiin dad ah ee adduunka ku nool, isagoo dilay boqolaal kun.

Caabuqan dilaaga ah ee Coronavirus ayaa sabab u noqday in la joojiyo tartamada kubada cagta tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay, si loo xakameeyo faafitaankiisa iyo in la badbaadiyo nolosha ciyaartooyda, tababarayaasha, shaqaalaha iyo taageerayaasha.

Laakiin maalmihii lasoo dhaafay waxaa goobjoog loo ahaa soo laabashada horyaalka Bundesliga 16-kii May, waxaana sidoo kale la shaaciyay taariikhda ay dib u soo laaban doonaan horyaalada Talyaaniga, Ingiriiska, iyo Spain, halka gabi ahaanba la joojiyay Horyaalka Faransiiska.

Caabuqa Coronavirus ayaa wuxuu haleelay tiro badan oo kubadda cagta ah, haddaba shabakda caanka ah ee Sport 360 ayaa waxay soo xulshay shax ka kooban 11-ka ciyaartoy ee ugu caansan ee uu ku dhacay COVID-19, waxaana tababare looga dhigay macalinka Arsenal ee Mikel Arteta oo ah shaqsigii ugu horreeyay uu haleeyay Coronavirus horyaalka Premier League:

Goolhaayaha: Artur Boruc – (Bournemouth).

Daafacyada: Renan Lodi (Atletico Madrid), Daniele Rugani (Juventus), Germán Pezzella (Fiorentina), Ezequiel Garay (Valencia).

Qadka Dhexe: Kondogbia (Valencia), Marouane Fellaini (Shandong Luneng), Blaise Matuidi (Juventus).

Weerarka: Callum Hudson-Odoi (Chelsea), Patrick Cutrone (Fiorentina), Paulo Dybala (Juventus).

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles