(Barcelona) 12 Agoosto 2020. Juninho oo ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Lyon ayaa ka dhawaajiyay suurtogalnimada uu kaga tagi karo xiddigooda reer France ee Houssem Aouar.
22 jirkan qadka dhexe ka ciyaara ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda reer England ee Manchester City, maadaama uu codsaday adeegiisa tababare Pep Guardiola.
Houssem Aouar ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigaha da’ayarta ah ee reer France kuwooda ugu wanaagsan xilligan la joogo, kaddib bandhigii wacnaa uu ka sameeyay kooxda Lyon xilli ciyaareedkan.
Shabakada caalamiga ah ee “Goal” ayaa waxay shaaca ka qaaday in kooxda Lyon ay ogolaatay inay iibiso xiddigeeda Houssem Aouar, balse waa haddii ay ugu yaraan ku heleyso qiimo lacageed dhan 50 million euros.
Haddaba Juninho oo ah agaasimaha isboortiga ee kooxda Lyon oo ka hadlayay mustaqbalka Houssem Aouar ayaa yiri:
“Markaad kooxda ku heysato xiddigo wanaagsan, waa wax iska caadi ah inay kuu yimaadaan kooxo waa weyn ee leh awood dhaqaale, si ay ula saxiixdaan xiddigahaada”.
“Haa, waa macquul inaan lumino ciyaartoy muhim ah ee kooxda ka tirsan, haddii ay taasi dhacdo, waa inaan booskiisa ku badalnaa ciyaartoy kale, waxaana kala hadlay madaxweynaha arrintaan”.
Waxaa xusid mudan in kooxda Manchester City ay ilaa iyo haatan suuqan xagaaga ay ku guuleysatay inay la soo saxiixato labadan xiddig ee kala ah Ferran Torres iyo Nathan Aké.
Gool FM.