Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Muxuu ka yiri Thomas Tuchel guushii soo laabashada aheyd ay ka gaareen kooxda Atalanta?

$
0
0

(Lisbon) 13 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in naadiga reer Talyaani ee Atalanta aysan u qalmin inay u gudubto wareega afar dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa guul soo laabasho ee 2-1 ah oo ay ka gaartay Atalanta waxa ay isaga xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League, markii ugu horreysay tan iyo 1995.

Ciyaarta kaddib tababare Thomas Tuchel ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waa xilli ciyaareed taariikhi ah oo aan ku guuleysanay 4 koob, mana ilaawi doonno dabaaldega kooxda ee sannadka”.

“Waxaan dareemay inaan goolal dhalin doono, waxaan u sheegay kaaliyayaasheeda haddii aan gool dhalino inaan guuleysan doonno”.

“Kaddib dhamaadka ciyaarta waxaan dhihi karnaa guusha aan gaarnay waa midaan gabi ahaanba u qalanay”.

“Waxaan ka baqay daqiiqadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dhanka awooda jirka, laakiin xiddigaha ku yimid badelka waa kuwo iga yaabiyay, maskax ahaana runtii way fiicneyd”.

“Waxaana soo bandhignay kulan kooxeed, tartankan waa inaad xoogaa yeelataa nasiib si aad u guuleysato, sidoo kale Choupo-Moting wuxuu ahaa midaan caadi aheyn”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles