Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Arsene Wenger oo go’aamiyay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona

$
0
0

(Yurub) 13 Agoosto 2020. Sida ay shaaciyeen warbaahinta Faransiiska Barcelona ayaa u soo bandhigtay tababaraha halyeeyga ah ee Arsene Wenger inuu qabto shaqada tababarenimo ee kooxda.

Wenger ayaa ka tagay Arsenal 2018, kaddib in kabadan 20 sano uu macalin u ahaa kooxda Gunners, ilaa iyo markaasna ma uusan hogaamin wax koox ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska “le10sport” ee dalka Faransiiska Arsene Wenger ayaa helay dalabyo badan oo muhiim ah bilihii ugu dambeeyay, laga yaabee in dalabkii ugu muhiimsanaa uu ahaa kii kaga yimid kooxda Barcelona oo raadineysa tababare cusub xilli ciyaareedka soo socda, waa haddii Quique Setién uu ku guuldareysto tartanka Champions League.

Si kastaba ha noqotee, Arsene Wenger ayaa diiday dalabka Barcelona sababa la xiriira inuusan ku qanacsaneyn mashruuca Barca.

Goor sii horeysay, Wenger wuxuu cadeeyay inuu doonayo inuu ku laabto shaqada tababarka, wuxuuna yiri:

“Maalin walba, waxaan rabaa inaan ku laabto shaqada tababarka, waxaan ku dhex noolaa nolosheyda oo dhan, laakiin ma sameyn doono dagaal badan, sababtoo ah waxaan ahay 70 jir, wax badan ayaan qabtay”.

“Haa, waxaan rabaa inaan si daacad ah u sheego, waxaan rajeynayaa inaan ku laabto tababarka”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles