Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Qof walba ee ka shakisan awooda PSG waa inuu maankiisa badelaa” – Nasser Al-Khelaifi

$
0
0

(Losbon) 13 Agoosto 2020. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay guusha soo laabashada aheyd ay xalay ka gaareen naadiga reer Talyaani ee Atalanta

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa guul soo laabasho ee 2-1 ah oo ay ka gaartay Atalanta waxa ay isaga xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League, markii ugu horreysay tan iyo 1995.

Nasser Al-Khelaifi ayaa u sheegay Radio “Monte Carlo” ee dalka Faransiiska, kaddib ciyaartii xalay dhex martay kooxaha PSG iyo Atalanta:

“Waa maalin aan caadi aheyn, waa maalin cajiib ah, waxaan u baahanahay jawiga noocaan ah, si aan u badelno maskaxdeena”.

“Ciyaartoyda wuxuu dadaalkooda ahaa 200%, waan ku faanayaa iyaga, waan kaga mahadcelinayaa qofwalba waqtiga adag”.

“Qof walba wuxuu ka shakiyay diyaargarowga kooxda PSG ee Champions League, laakiin waxaan soo bandhignay maskaxda xoogan ee ciyaartoyda cajiibka ah, ujeedkeena waa mid fog, laakiin kama fikireyno ciyaarta finalka ah, balse kulanka afar dhamaadka, waa inaan maskax ahaan badelnaa kooxda”.

“Warbaahinta waa inay sidoo kale badalaan maankooda, madaama qof walba uu ka shakisan yahay PSG, waxaan u baahneyn guushan si aan meel fog u gaarno”.

Si kastaba ha noqotee kooxda Paris Saint-Germain ayaa ku wajihi doonta wareega afar dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League, kooxdii soo guuleysata RB Leipzig iyo Atletico Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles