Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jorge Mendes oo Cristiano Ronaldo u bandhigaya kooxo badan oo ay qeyb ka tahay Barcelona

$
0
0

(Losbon) 13 Agoosto 2020. Khabiirka kubbadda cagta Spain ee Guillem Balagué ayaa sheegay in Jorge Mendes uu isku dayayo inuu ka dhaadhiciyo Barcelona inay ka iibsato Cristiano Ronaldo kooxda Juventus.

Laacibka reer Portugal ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed aad u wanaagsan, wuxuuna rokoorro gooldhalineed ee cajiib ah uu ka sameeyay kooxda Juventus, wuxuuna la qaaday horyaalka Talyaaniga, laakiin xilli ciyaareed niyad jab leh ayay u aheyd kooxda reer Talyaani.

Kooxda Juventus uu hoggaaminayey macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa lagu reebay xilli ciyaareedkan wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib labadii kulan ay la ciyaareen naadiga reer France ee Olympique Lyon.

Warbixinada qaar ayaa waxay muujiyeen in mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus uu shaki ku jiro, xilli ay majalada France Football ay tilmaamtay in Paris Saint-Germain ay xiiso ka muujisay saxiixa CR7.

Balse haatan Khabiirka kubbadda cagta Spain ee Guillem Balagué ayaa cadeeyay in wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes uu u soo bandhigay Barcelona fursad ay ku heli karto Cristiano, si uu kaga dhabeeyo rajada naadiga reer Talyaani ee ah inay ka takhalusto laacibkeedan, sababa la xiriira mushaarkiisa oo aad u sarreeya.

Khabiirka kubbadda cagta Spain ee Guillem Balagué ayaa u sheegay shabakada caalamiga ah ee BBC:

Cristiano Ronaldo es retratado por Guillem Balagué en un libro ...

“Sababta ka dambeysa in Cristiano Ronaldo lala xiriirinayo Paris Saint-Germain, ma ahan in Paris ay isku dayeyso inay hesho adeegiisa, balse Jorge Mendes ayaa isku dayaya inuu u helo koox ku habboon isaga”.

“Bilihii la soo dhaafay waxaan maqalnay warbixinno la xiriirinaya inuu dib ugu laabanayo Real Madrid, laakiin Real ayaa sheegtay inaysan jirin fursad, sidaas darteed, Jorge Mendes wuxuu isku dayayaa inuu adeegiisa u bandhigo kooxo badan oo ay ku jirto Barcelona”.

“Cristiano Ronaldo wuxuu ka helaa 23 million euros sanadkii Juventus. kooxdee bixin doonta lacagtan badan waqtigan la joogo”.

Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada, kooxda Juventus ayaa isku dayaysa inay iska iibiso tiro dhowr ciyaartooy ah, oo ay hoggaaminayaan Aaron Ramsey, Gonzalo Higuain iyo kuwa kale, si loogu dhiso koox adag macalinka cusub ee Andrea Pirlo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles