(Paris) 13 Agoosto 2020. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay inuu kooxda ku sii haayo labada xddig ee Kylian Mbappé iyo Neymar Jr.
Kooxda kubadda cagta PSG ayaa guul soo laabasho ee 2-1 ah oo ay ka gaartay Atalanta waxa ay isaga xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League, markii ugu horreysay tan iyo 1995.
Nasser Al-Khelaifi ayaa u sheegay Radio “Monte Carlo” ee dalka Faransiiska, kaddib ciyaartii xalay dhex martay kooxaha PSG iyo Atalanta:
“Waxaan helnay Neymar, kaasoo waxyaabo badan ka beddelay kooxda, waxaan dareemay wax aan caadi aheyn”.
“Kylian Mbappé iyo Neymar Jr waxay nala joogi doonaan waligood, midkoodna ma fasaxi doono”.
Gool FM.