Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Luis Suarez & Arturo Vidal oo la la xiriirinayo inay ka tagayaan Barcelona… (Labo Kooxood oo ay ku kala biiri karaan oo shaaca laga qaaday)

$
0
0

(Barcelona) 17 Agoosto 2020. Waxaa la shaaciyey labo kooxood oo ay ku kala biiri karaan xiddigaha Barcelona ee Luis Suarez & Arturo Vidal, kuwaasoo la la xiriirinayo inay ka dhaqaaqi doonaan kooxda reer Spain.

Xiddigaha da’da weyn ayaa dhammaantood la hadal hayaa in laga diri doono Barcelona, waxaana xiddigaha kooxdaas ka tagaya la la xiriirinayaa inay ka mid yihiin Luis Suarez & Arturo Vidal, iyadoo hadda la sheegayo inay ku kala biiri karaan Ajax iyo PSG.

Luis Suarez ayaa la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Ajax, halka Arturo Vidal la rumeysan yahay inuu bartilmaameedsanayo inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay ee Suarez ayaa xan lagu hayaa inuu aadayo dhinaca kooxdiisii hore ee Ajax, iyadoo sida uu warinayo Warsidaha Teledoce ee Uruguay kooxda reer Dutch ay doonayso inay soo qaadato weeraryahankan kaasoo u soo ciyaaray kooxdan intii u dhexeysay sanadihii 2007 iyo 2011.

Vidal ayaa dhankiisa la la xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo kooxda reer France ee PSG, waxaana sidaasi ku warammaya wargeyska Chile ka soo baxa ee La Cuarta.

Wargeysa waxa uu soo tebinayaan in 33-sano jirkaan la iibin karo si dhaqaale looga abuuro, inkastoo uu dhowaan sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka fiirsado qandaraaskiisa garoonka Camp Nou.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles