(Lisbon) 17 Agoosto 2020. Waxaa la shaaciyey Garsooreyaasha dhex-dhexaadin doona kulammada Afar dhammaadka Champions League sida kulanka Lyon iyo Bayern Munich & kulanka kale ee u dhexeeya RB Leipzig vs PSG.
Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday in Garsooraha seeriga u qaban doona kulanka Semi-finalka Champions League ee u dhexeeya Lyon iyo Bayern Munich uu yahay Garsooraha reer Spain ee Antonio Miguel Mateu Lahoz.
Garsoore Antonio Miguel Mateu Lahoz ayaa istaagi doona bartamaha garoonka kulanka kooxda reer France ee Lyon ay wajahayso naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich.
Waxaana caawin doona garsoore Mateu Lahoz oo VAR joogi doona garsooreyaasha reer Spain ee Alejandro Hernandez Hernandez iyo Jose Maria Sanchez Martinez.
Dhinaca kale garsooraha reer Holland ee Bjorn Kuipers ayaa dhex-dhexaadiye ka noqon doona oo garsoori doona kulanka afar dhammaadka Champions League ee ay isku wajahayaan Kooxda reer Jarmal ee RB Leipzig iyo tan reer France ee PSG.
Gool FM.