(Paris) 21 Agoosto 2020. Thiago Silva ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo inay soo gabagabeeyaan mustaqbalkooda kooxda Paris Saint-Germain, kaddib ciyaarta finalka ee tartanka Champions League oo ay Axada soo socota kula ciyaari doonaan Bayern Munich.
Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu ku sii nagaado caasimada Faransiiska ee Paris, inkastoo la rajeynayo in loo soo bandhigo dalabyo inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Daafaca dhexe ee reer Brazil ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Horyaalka Talyaaniga, marka uu dhaco qandaraaskiisa kooxda PSG dhamaadka bishan, waxaana lala xiriirinayay kooxaha AC Milan iyo Fiorentina.
Si kastaba ha noqotee, kooxda PSG ayaa isku diyaarineysa inay ciyaarto marki ugu horeysay finalka Champions League, waxaana kabtanka 35 jirka ah uu rajeynayaa in mustaqbalkiisa uu kala hadlo saraakiisha kooxda reer France kaddib ciyaarta finalka ah.
Thiago Silva ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka kooxda wuxuu ku sheegay:
“Mustaqbalkeena wuxuu ku jiraa gacmaheena, waana sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskeyga”.
“Haddii aan sii wadi karo si aan ula sii ciyaaro kooxda, waan eegi doonaa arintaas, waxaan ka wada hadli doonaa arintan kaddib kulankaas, waxaana qaadan doonaa go’aan fiican”.
Gool FM.