(Lisbon) 23 Agoosto 2020. Kulan adag oo ah kama dambeysta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019-20 ayaa caawa waxa uu dhxmarayaa Kooxaha PSG iyo Bayern Munich.
Garoonka The Estadio da Luz ayaa caawa marti gelinaya Final-ka Champions League 2019-20, kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo markeedii ugu horreysay iska xaadirisay Final-ka tartankan ayaa qaabilaysa Kooxda reer Jarmal ee shanta goor ku guuleysatay koobka ee Bayern Munich.
Labada kooxood ayaa afar dhammaadka Champions League si fudud uga soo gudbay, iyadoo min 3-0 uga soo adkaaday RB Leipzig iyo Lyon, waxaana hadda ay u dagaallami doonaan in loo caleemo saaro boqorrada Yurub, koox walba ayaana doonaysa inay dhammaystirato saddexleeyda koob ee taariikhiga ah.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA Champions League
Taariikhda: Axad 23 Agoosto 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Estadio da Luz
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)
Wararka Kooxaha:-
Keylor Navas ayaa weli shaki weyn ku jiraa kulanka caawa ay ciyaareyso kooxdiisa Paris Saint-Germain kaddib markii uu dhaawac ku seegay guushoodii afar dhammaadka Champions League ee ay ka gaareen RB Leipzig.
Marco Verratti ayaa soo laabtay, si kastaba ha ahaatee xiddiga reer Talyaani ayaa ka soo kacay kursiga keydka kulankii Leipzig, iyadoo markii hore loo maleynayay inuusan markale ciyaari doonin ilaa xilli ciyaareedka soo socda.
Leandro Paredes ayaa si fiican u ciyaaray labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay dheeshay PSG, laakiin waxay u badan tahay inuu qaab u heli karo booska Verratti.
Kani waa kulankii ugu dambeeyey Thiago Silva ee PSG, halka Juan Bernat uu wajahayo kooxdiisii hore ee Bayern Munich.
Benjamin Pavard ayaa ka soo laabtay dhaawac kulankii ay Bayern Munich 3-0 kaga badisay Lyon ee semi-finalka Champions League Arbacadii, isaga ayaa u ah dooqa koowaad ee daafaca midig haddii Hansi Flick uu rabo in Joshua Kimmich uu dib ugu laabto khadka dhexe.
Jerome Boateng ayaa laga saaray qeybtii nasiinada kulankii Lyon, waana in hadda loo arkaa inuu shaki weyn ku jiro kulanka caawa ay ciyaareyso kooxdiisa Bayern, Niklas Sule ayaa diyaar u ah inuu u tartamo inuu ciyaaro final-ka caawa.
Kingsley Coman ayaa soo fariisan doona kulanka keydka kulanka ay caawa ka horjeedaan kooxdii carruurnimadiisa ee Paris Saint-Germain.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Kooxda PSG ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Naadiga reer France ee PSG ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay Champions League.
>- Kooxda Bayern Munich ayaa guuleysatay tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Bayern Munich ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay Champions League.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.