(Lisbon) 22 Agoosto 2020. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa indhaha ku haya inuu ku guuleysto Koobka Champions League isagoo xiran maaliyada naadiga reer France ee PSG.
Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa habeen dambe ee Axada ah isku fara saari doono kulanka finalka tartanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka 2019/20.
Neymar Jr oo la hadlayay wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu yiri:
“Waan ogahay in ku guuleysiga Champions League ay tahay guul aan caadi aheyn, laakiin inaan kula guuleysto PSG ayaa noqon doonta wax intaas ka sii badan, sababtoo ah waxay noqon doontaa taariikh, sababtaas darteed ayaana ugu biiray Paris Saint-Germain”.
“Inaad kaga hortimaado Bayern Munich finalka waxaay noqon doontaa tijaabo adag, laakiin diyaar ayaan u nahay, waxay leeyihiin shaxooyin kala duwan oo ciyaartoy ah”.
“Laakiin sidoo kale anagana waxaan ku jirnaa heer aad u sarreeya, waxaan dareemayaa inaan si fiican u ciyaarin tan iyo markii aan ku soo biiray Paris Saint-Germain”.
Intaas kaddib Neymar Jr ayaa la weydiiyay suurtogalnimada uu ugu guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri:
“Messi iyo Ronaldo ayaa soo xakameeyay 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna mudadaas ku ciyaarayeen duunyo kale”.
“Dabcan sharaf ayey ii ahaan doontaa inaan ku guuleysto abaalmarintan, laakiin waxaa lagu gaari karaa kaliya inaan wax walba kula bixiyo kooxda garoonka dhexdiisa, taas oo ah waxa aan diiradda saarayo, waxyaabaha kale oo dhan waxay ku imaan doontaa xilli ku habboon”.
Gool FM.