(Yurub) 09 Seb 2020. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa daabacay in maamulka kooxda Lyon ay dajiyeen qiimaha ay kaga iibinayaan laacibkooda Memphis Depay naadiga Barcelona, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Memphis Depay, oo 26 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa Lyon inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo ay xiiseyneyso Barcelona inay la saxiixato.
Depay ayaa loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan tababaraha cusub kooxda Barcelona ee Ronald Koeman, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, si uu kaga dhigto badelka Luis Suarez oo la filayo inuu ka tago Blaugrana xagaagan.
Memphis Depay ayaa labo maalmood kahor xaqiijiyay in Barcelona ay xiiseyneyso inay la saxiixato isaga, taasoo ka dhigtay in maamulka kooxda Lyon ay dejiyaan qiimaha ay ku fasaxayaan.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Memphis Depay uusan dooneynin inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa kooxda Lyon, kaasoo dhacaya sanadka soo socda, taasoo keentay in maamulka ay ogolaadaan inay iska iibiyaan.
Warsidaha “Mundo Deportivo” ayaa tilmaamay in maamulka Lyon ay ku wargeliyeen saraakiisha kooxda Barcelona qiimaha Memphis Depay oo ah 25 million euros.
Waxaa xusid mudan in Memphis Depay uu ka soo muuqday xilli ciyaareedkii tagay kooxda Lyon 22 kulan, wuxuu dhaliyay 15 gool, xilli sidoo kale uu caawiyay 2 gool kale.
Gool FM.