(Yurub) 09 Seb 2020. Weeraryahanka reer France iyo kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa taariikh ka sameeyay xulkiisa, kaddib markii uu gacan ka geystay guushii ay ka gaareen Croatia fiidnimadii xalay ee Talaadada, kulankooda labaad ee tartanka UEFA Nations League.
Antoine Griezmann ayaa dhaliyay goolka barbardhaca uu ka helay xulka France dhigooda Croatia daqiiqadii 44-aad, xilli kulanka uu ku soo dhamaaday 4-2 ay ku adkaadeen Griezmann iyo saaxiibadiis.
Sida laga soo xigtay shabakada “Opta” ee looga haray rikoorrada iyo tirakoobyada, Antoine Griezmann ayaa ilaa iyo hadda u dhaliyay xulkiisa qaranka France 31 gool, wuxuu la simanyahay Zinedine Zidane, oo ah gooldhaliyaha shanaad ee ugu fiican xulka France ee taariikhda.
Griezmann wuxuu sidoo kale gaaray 21 caawin uu ka sameeyay xulkiisa qaranka France, kaliya waxaa kaga sareeya rikoodhkan Thierry Henry oo sameeyay 25 caawin oo xulka qaranka France ah, tan iyo bilawgii qarnigan 21-aad.
Gool FM.