(Paris) 10 Mar 2016 Laacibka kooxda PSG Angel Di Maria ayaa soo barbareeyay xalay rikoor uu haystay saaxiibkiisii hore ee Ronaldo isaga oo ka saramaray Zlatan Ibrahimovic.
Di Maria ayaa xalay door wayn ka ciyaaray guushii PSG ay ka gaartay Chelsea kadib markii uu Zlatan Ibrahimovic lugta u saaray kubaddii uu ku xaqiijiyay goolkii guusha.
28 jirka reer Argentina ayaa xalay sameeyay caawintiisii 11-aad ee Champions League tan iyo xiliciyaareedkii 2012/13, wuxuuna soo barbareeyay Ronaldo oo isaguna sameeyay 11 caawin.
Dhanka kale wuxuu ka saramaray saaxiibkiis Zlatan Ibrahimovic kaas oo caawiyay kaliya 10 gool tan iyo waqtigaas, PSG ayaana xalay soo tiigsatay wareega rubuc dhamaadka ee koobka horyaalada yurub.
Gool FM