(Paris) 12 Feb 2021. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay in xiddigiisa Neymar uusan wajihi doonin Barcelona kulanka Barcelona ee lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Champions League.
Paris Saint-Germain ayaa ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah, in markii Neymar lagu sameeyay raajooyin iyo tijaabooyin caafimaad, la ogaaday inuu ka dhaawacmay muruqa isku xira lugta bidix.
Bayaanka ayaa lagu muujiyay in ciyaaryahanka reer Brazil uu ka maqnaan doono safka kooxda Paris Saint-Germain muddo 4 isbuuc ah.
Barcelona ayaa Paris Saint-Germain kula ciyaari doonta Talaadada soo socota garoonkeeda Camp Nou, ka hor inta aysan ku wada ciyaarin wareega labaad 10-ka bisha March garoonka Parc des Princes.
Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Mauricio Pochettino, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Neymar aad ayuu u murugeysan yahay, wuxuu aad u doonayay inuu ku laabto Barcelona, si uu ula ciyaaro Barca, aad ayuu u jecel yahay tartamada noocan ah.”
“Tani waxay nagu tahay qasaaro weyn, waxaan rajeyneynaa in Neymar uu nala ciyaari doono kulanka lugta labaad, laakiin taasi waxay ku xirnaan doontaa horumarka dhaawaca.”
“Neymar wuxuu jecelyahay inuu kubadda ku ciyaaro labadiisa lugood dhaxdooda, Kubadda cagta ayuu ku ciyaaraa sidaas, mana ahan daandaansi, sidaas oo kale ayuu ku sameeyaa tababarka, waxa uu Neymar sameynayo ma ahan daandaansi, laakiin wuxuu jecel yahay kubadda cagta.”
Intaas kaddib Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay kulanka Barcelona wuxuuna yiri:
“Waxaan daawaday dhamaan kooxaha mudo sanad ah, waxaana bartay Barcelona, Messi waa mashiin waana loolan adag.”
Gool FM.