(Yurub) 13 Feb 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga dalka Jarmalka iyo Ligue 1.
Kooxaha Manchester City, Liverpool, Barcelona, Juventus, AC Milan, Borussia Dortmund & PSG ayaa ka mid ah kooxaha maanta caawa ciyaari doona horyaalladooda.
Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan Manchester City iyo Tottenham iyo midka ay Liverpool ay booqanaysa Liecester City.
Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Barcelona marti gelin doonto Alaves, halka horyaalka Bundesliga ay Borussia Dortmund galabta soo dhoweyn doonto Hoffenheim.
Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxaha waa weyn ee Juventus iyo AC Milan ayaa ugu madax fiiqan, iyadoo Napoli ay soo dhoweyn doonto Juve.
Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
03:30 Galabnimo Leicester City vs Liverpool
06:00 Maqribnimo Crystal Palace vs Burnley
08:30 Habeennimo Manchester City vs Tottenham Hotspur
11:00 Brighton & Hove Albion vs Aston Villa
SPAIN – LALIGA SANTANDER
04:00 Galabnimo Granada vs Atletico Madrid
06:15 Maqribnimo Sevilla vs SD Huesca
08:30 Habeennimo Eibar vs Real Valladolid
11:00 Habeennimo Barcelona vs Deportivo Alaves
ITALY – SERIE A
05:00 Galabnimo Torino vs Genoa
08:00 Habeennimo SSC Napoli vs Juventus
10:45 Habeennimo Spezia vs AC Milan
GERMANY – BUNDESLIGA
05:30 Galabnimo Bayer Leverkusen vs Mainz 05
05:30 Galabnimo Borussia Dortmund vs Hoffenheim
05:30 Galabnimo VfB Stuttgart vs Hertha Berlin
05:30 Galabnimo Werder Bremen vs Freiburg
08:30 Habeennimo Union Berlin vs Schalke 04
FRANCE – LIGUE 1
07:00 Fiidnimo Paris Saint-Germain vs Nice
09:00 Habeennimo Reims vs Lens
11:00 habeennimo Lyon vs Montpellier
FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.
Gool FM.