(Paris) 19 Maajo 2021. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa si rasmi ah loogu yeeray xalay, waxaana uu muddo kaddib dib ugu soo laabtay xulkiisa qaranka Farnsiiska, isagoo ku biiray liiska xiddigaha xulka haysta Koobka Adduunka uga qeyb galaya xagaagan Koobka qarammada Yurub.
Tababare Didier Deschamps ayaa Weeraryahanka kooxda Real Madrid uga yeeray xulka qaranka Faransiiska markii ugu horreysay tan iyo bishii October sanadkii 2015-kii, kaddib markii uu bandhig cajiib ah ku qaatay Los Blancos.
Haddaba waxaa la is-weydiinayaa sida ay u muuqanayso Shaxda xulka qaranka Faransiiska marka lagu daro Karim Benzema?.
Xulka Faransiiska ayaa haysa xiddigo heerkoodu sarreeyo oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Raphael Varane, laakiin Benzema ayaa dib loogu yeeray waxaana uu ka soo muuqan doonaa shaxdiisa.
Haddii Xulka qaranka Faransiiska uu ciyaaro habka 4-3-3, Benzema ayaa hoggaaminaya weerarka xulka, isagoo ka garab ciyaari doona Mbappe iyo Antoine Griezmann, taasoo aan shaki ku jirin inay cabsi galinayso difaayada ka soo horjeeda.
Sid ay u muuqanayso Shaxda xulka qaranka Les Bleus marka lagu daro Karim Benzema:-
Gool FM.