(London) 10 Maarso 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay PSG oo marti u ahayd lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, iyadoo cel-celis 4-2 ay PSG ku gaartay wareegga siddeeda ee Champions League, tartankana laga saaray kooxda Chelsea.
Goolka 1-aad ee PSG waxaa daqiiqaddii 16′ u dhaliyay Adrian Rabiot, hase yeeshee Chelsea waxaa u barbareeyey Diego Costa daqiiqaddii 27′, waloow Zlatan Ibrahimovic uu libinta siiyay Kooxda Paris daqiiqaddii 67′ goolkaas oo guusha u horseeday PSG.
Dhinaca kale ciyaar kale ayaa iyana waxaa wada yeeshay Zenit Petersburg oo Ruushka ah iyo Benfica oo Portugal ah, waxaana 2-1 ku badisay Benfica oo u soo gudubtay wareegga 8 dhammaadka waxaana wadar guud ahaan ay kusoo baxday 3-1.
Haddaba waxaan halkaan ku eegeynaa waxyaabihii laga bartay kulamadii xalay ee Champions League Chelsea v PSG iyo Zenit Petersburg v Benfica:-
>- Diego Costa ayaa dhaliyey ama caawiyey 17 gool 15-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu kooxdiisa Chelsea u ciyaaray tartammada oo dhan, (11 Gool waa uu dhaliyey halka uu 6 gool dhiibay ama caawiyey).
>- Costa ayaa gool dhalinaayey mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ku ciyaaray garoonka Stamford Bridge, isagoo matalaya kooxdiisa Chelsea, waana markiisii ugu dheereyd oo uu sidan u sameeyo Blues.
>- Kooxda Chelsea ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 23-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.
>- PSG ayaa 10 gool kaga dhalisay Champions League kooxda Chelsea, kaliya waxaa ka badan Barcelona oo Champions League kooxda Blues kaga dhalisay 18 gool.
>- Kooxda Chelsea ayaa laga badiyey mar uun siddeed kulan oo koox Faransiis ah ay kula ciyaareen garoonkooda, waana kulankii xalay.
>- Chelsea ayaa laga hor joogsaday inay buukimato markii afaraad ee lix ciyaareed gudaheed wareegga siddeeda Champions League iyo markii todobaad 10 xilli ciyaareed gudaheed.
>- Kooxda Laurent Blanc ayaa guushaan waxa ay uga dhignayd inay markii afaraad oo isku xigta ka soo muuqdeen wareegga siddeeda koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.
Dhinaca kale aynu eegno labo waxyaabood oo laga bartay kulankii xalay dhexmaray Zenit Petersburg iyo Benfica:-
>- Kooxda Benfica ayaa gaartay wareegga siddeed dhammaadka Champions League markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12, markaasoo ay Chelsea ka reebtay.
>- Nicolas Gaitán ayaa toos ugu lug lahaa todoba gool todobadii kulan oo uu saftay Champions League xilli ciyaareedkan, (Afar gool waa uu dhaliyey, saddexna caawiye ayuu ka ahaa).
Gool FM.