Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Paul Pogba oo mid ka mid ah badeecadaha shirkadaha taabo gelinaya tartanka Euro 2020 iska leexiyay intuu ku gudo-jiray shirkii jaraa’id ee xalay kaddib guushii Faransiiska uu ka gaaray Jarmalka

$
0
0

(Munich) 16 Juun 2021. Xiddiga xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee muujiyay qanaaco la’aantiisa uu kaga soo horjeedo badeecadaha shirkadaha taabo gelinaya tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaddib markii uu miiska shirka jaraa’id ka leexiyay dhalooyinka Khamriga ee shirkadda Heineken.

 Pogba oo ah xiddig heysta diinta Islaamka ayaa hortiisa ka leexiyay dhalooyinka Khamriga ee Heineken markii uu soo galay qolka shirka jaraa’id kaddib guushii xulkiisa France uu ka gaaray Germany ciyaartoodii ugu horreysay ee Guruubka F ee tartanka Euro 2020.

Khamrada ayaa xaaraan ama mamnuuc ka ah ummadda Muslimiinta, sidaas darteed, kubbad qaabeeyaha Faransiiska ayaa hortiisa ka leexiyay khamirga Heineken kaasoo qayb ka ah shirkadaha taabo gelinaya tartanka qarammada qaaradda Yurub si uu u muujiyo inuusan raali ka ahayn inay hortiisa kasoo muuqato dhalo ay ku jirto Khamro maadaama ay isaga xaaraan ka tahay.

Euro 2021: Paul Pogba follows Cristiano Ronaldo's Coca Cola stunt by removing  alcohol brand from press conference | Metro News

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Manchester United ayaa loo doortay laacibkii ugu wanaagsanaa ciyaartii ay xalay xulkiisa France kaga adkaadeen Germany gool uu is aan ku talo gal ahayn isaga dhaliyay difaaca Jarmalka ee Mats Hummels.

Paul Pogba ayaa noqday xiddigii labaad ee sidaas isaga diida inay hortiisa kasoo muuqato badeeco uusan jecleysan balse ka mid ah kuwa ay leeyihiin shirkadaha taabo gelinaya Euro 2020 kaddib Cristiano Ronaldo oo caafimaad ahaan isaga fogeeyay cabitaanka Coca Cola shirkii jaraa’id ee Isniintii.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles