(Liverpool) 16 Juun 2021. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool ee John Barnes ayaa xaqiijiyay in Reds aysan saameyn weyn ku yeelan doonin bixitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ee Georginio Wijnaldum.
Wijnaldum ayaa soo gabagabeeyay waayihiisii kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkii dhawaan la soo xiray ee 2020/21, wuxuuna ku biiray Paris Saint-Germain.
Sida uu qoray wargeyska “The Sun” ee dalka England, John Barnes ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Wuxuu ahaa ciyaaryahan aad u fiican oo Liverpool ah, laakiin bixitaankiisa ayaan kooxda ku noqon doonin khasaaro weyn.”
“Gini kaaama dhigayo inaad guuleysato kulammada, guud ahaan saddexda hore ee weerarka ayaa sidaas sameeya, iyo afarta safka dambe.”
“Waxay tabi doonaan Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane, Virgil van Dijk, Joe Gomez ama Alisson Becker inbadan”.
“Wijnaldum ma ahan Kevin De Bruyne ama David Silva, waa la badali karaa.”
“Wijnaldum waa nin Khadka dhexe ku dadaala, laakiin Liverpool wax badan ayeey heysataa, ma aheyn mid ciyaara todobaad kasta, Liverpool waxay heysataa Henderson, Milner, Thiago iyo Fabinho, sidaas darteed ma ahan boos ay tahay inay ka walwalaan.”
Gool FM.