(Manchester) 06 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay rajaynayso inay 75 milyan oo gini ku dhammaystirto la soo wareegista labada ciyaaryahan ee Raphael Varane iyo Eduardo Camavinga.
Varane ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu ku biiro Man United, isla markaana uu xagaagan u soo dhaqaaqo garoonka, laakiin Red Devils ayaa weli u baahan inay heshiis la gaarto Real Madrid.
Dhinaca kale, xiddigga da’da yar ee Camavinga ayaa noqon doona beeca xorta ah dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, kooxda Rennes waxaa lagu cadaadiyey inay iibiso xagaagan ka hor inta uusan bilaaban sanadka 2022-ka.
Sida ay warinayso Jariiradda Marca, Kooxda Man United oo horeyba u ogolaatay inay 73 milyan oo gini kula soo wareegto Jadon Sancho oo ka socda Borussia Dortmund ayaa haatan diyaar u ah inay lacag kale quurto si ay u hesho Varane iyo Camavinga.
Waxaa jiray talo soo jeedin ah in kooxda Rennes ay aqbali karto lacag dhan 25 milyan oo gini ee uu ku bixi karo Camavinga marka la fiiriyo xaaladda qandaraaskiisa, laakiin kooxda Faransiiska ayaa la sheegay inay ku qosleen fikirkaas.
Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale la warinayaa inay isha ku heyso xaaladda Camavinga ee Kooxda lagu naynaaso Les Rouge et Noir, halkaasoo uu durbaba ku dhaliyay labo gool, isla markaana ku sameeyey shan caawin 82 kulan oo uu u saftay.
Gool FM.