(Paris) 07 Agoosto 2021. Warbaahinta qaaradda Yurub ayaa isku raacsan inuu Lionel Messi ku biiri karo kooxda Paris Saint-Germain isla markaasna uu si aanan la wada shaacin u aqbalay qandaraas labo sano ah oo ay usoo bandhigtay kooxda reer France.
Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu toddobaadkii ka qaadan doono PSG mushahar dhan 769 kun oo euro taasoo la micno ah 40 milyan oo euro inuu sanadkii qaadan doono sida ay baahisay majaladda L’Equipe.
Haddii uu kabtanka xulka qaranka Argentina baaqi kusii ahaado PSG saddex sano, waxa uu wadar ahaan jeebka ku ridan doonaa 120 milyan oo euro canshuurta kaddib iyadoo tiradaas aysan ku jiran gunnooyinka ku xiran qaab ciyaareedkiisa iyo guulaha, taasoo suuro gal ka dhigi karta inuu 150 milyan oo euro faraqa ku shubto haddii uu saddex sano sii joogo Paris.
Dhinaca kale, Sports Witness ayaa baahisay inay kooxda Ligue 1 ciyaarta ay maanka ku heyso inuu 34-sano jirkan soo jiidi doono lammaanayaal dhaqaale oo la midooba PSG kuwaasoo macaash fara badan laga heli karo.
Gool FM.