(Barcelona) 10 Agoosto 2021. Lionel Messi ayaa ku biiraya PSG, iyadoo labada dhinaca ee Wakiillada ciyaaryahankan iyo Kooxda PSG ay ka heshiiyeen saxiixa kabtankii hore ee Barcelona.
Sida wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan heshiiska waa uu dhacay, Messi ayaana maanta u safri doona Magaalada Paris, isagoo saxiixi doona qandaraas labo sano ah.
Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa laftiisa la warinayaa inuu ogolaaday inuu ku biiro Paris Saint-Germain, isagoo kooxda ka dhisan Caasimadda Faransiiska u saxiixaya qandaraas labo sanadood ah.
Maalmahaan oo uu ku suganaa Magaalada Barcelona, wadahadalladuna ay socdeen hadda waa la isku afgartay in Leo Messi uu ku biiro PSG.
Wargeyska dalka Argentina ka soo baxa ee Ole ayaa warinaya in heshiiskiis ay PSG ku doonaysay ciyaaryahan uu gabi ahaanba dhacay, isla markaana uu Magaalada Paris u soo duuli doono Messi Talaadada Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10-ka Agoosto.
Wixii warar ah ee ka soo kordha xaaladda Messi wararkeenna dambe ayaad kula socon doontaan Inshaa Allaah.
Gool FM.